Gudoomiye Ku-xigeenka Hay`adda Shaqaalaha Dawladda iyo Agaasimaha Guud Ee Hay`adda Shaqaalada Dawladda oo diwaan gelinta Dufcada 2aad ee shaqo qaran ugu baxay gobolada Dalka..

Wafdi ka Kooban Agaasime-yaasha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda oo ay Hogaaminayso Guddoomiye Ku-Xigeenka Hay'adda ,Aamina Maxamuud Xuseen oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Maxamed Geeddi Caynaanshe ayaa ugu baxay gobolada dalka diwaangelinta dufcadii 2aad ee shaqo qaran.
Ujeedka ay Saraakiisha Hay'addu marayeen,ayaa iskugu jiray Diiwaan-galinta Shaqaalaha Shaqo-qaran,kuwaas oo Sannadka 2022-ka si rasmi ah u galaya Diiwaanka Guud ee Shaqaalaha Dawladda .
Waaxaha Kala duwan ee Hay'adda ayaa iyaguna Shaqaalaha goboladda ku Tababarayay Hab-raacyadda iyo Siyaasadaha dhinacyadda kala ah: Qiimeynta,Qaab-dhismeedka iyo Qorista,Xulista iyo Dalacsiinta iyo kuwo kale.