Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa maanta Daah-furtay Samaynta Siyaasadda Mushahar Bixinta iyo Qaabaynta Darajooyinka Shaqaalaha Dawladda

Xafladdan oo lagu qabtay Maansoor Hotel ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Shaqo Gelinta, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda, Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaagga, Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka iyo masuuliyiin kele.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay bilowga hawshan isla markaana ay Hay’adda Shaqaaluhu muddo ka shaqaynaysay sidii halkan loo soo gaadhi lahaa. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in wax laga beddelo isla markaana loo sameeyo siyaasad hagaysa qaabaynta darajooyinka shaqaalaha iyada oo loo eegayo aqoontooda iyo khibraddooda labadaba.
Wasiirka Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska oo isaguna kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in bilowga hawshani ay Somaliland guul wayn u tahay isla markaana ay qiimo wayn ugu fadhido shaqaalaha dawladda. Wasiirku waxa uu sheegay in aanay shaqaaluhu isku mid ah ahayn dhanka aqoonta iyo khibradda loona baahnaa in la helo siyaasad hagta sidii ay u heli lahaayeen caddaadal oo qof waliba wixii uu mutaysto ee darajo iyo mushahar ah uu u heli lahaa.
Waxa sidoo kele kulanka ka hadlay masuuliyiin kele oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Guddoomiyaha Waddooyinka, Guddoomiyaha Maamul Wanaagga iyo masuuliyiin kele. Waxa kele oo hadallo koob-kooban iyaguna ka jeediyay qaar ka tirsan masuuliyiinta shirkadda hawshan fulinaysa iyo xubno kele.