HAY’ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA AYAA SOO BANDHIGTEY DERAASAD KU SAABSAN ADEEG-BIXINTA 10 WASAARADOOD

Hargaysa:(CSC)-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo kaashanaysa Hay’adda Caalamiga ah ee cilmi-baadhista Consilient Research ayaa Maanta Magaaladda Hargaysa kusoo bandhigay deraasad ku saabsan adeeg-bixinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda,taas oo laga soo sameeyay Lixda Gobol ee Somaliland,laguna eegayay in ka badan 10 Adeeg oo ay dawladdu bixiso oo ay ka mid yihiin Adeeg-yadda Caafimaadka iyo Waxbarashadda.
Munaasibadda ayaa waxa kasoo qeyb-galay Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda,Guddoomiyaha Hay’adda Maamul-wanaagga,Agaasimeyaal guud iyo marti-sharaf kale.
Madaxa Mashruuca dib-u-habeynta shaqaalaha Dawladda ,Cabdi Aaddan Diiriye ayaa sheegay in deraasaddan la waday muddo saddex bilood ah,taas oo lagu soo maray Lixda gobol ee Somaliland.
Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee HSHD, Cabdiraxmaan Xasan Waayeel, ayaa sheegay inay deraasadani muujinayso meelo badan oo adeeg-bixinta Dawladdu aad u sareyso,taas oo u baahan in lasii xoojiyo.
Waxa kale oo uu sheegay inay hagge wanaagsan u noqonayso dedaaladda wanaajinta Maamulka Dawladda ee ay wado Hay’adda Maamul-wanaaggu.
Dhinaciisa, Agaasimaha Wasaaradda Beeraha, Aaddan Cabdilaahi Sheekh oo ay wasaaraddiisu ka mid tahay Meelaha Deraasaddu taabatay,ayaa sheegay inay Deraasadani tahay fursad weyn oo door muuqda ka qaadan doonta tayaynta adeeg-yadda Dawladda.
Guddoomiyaha Hay’adda Maamul-wanaagga,Liibaan Ismaaciil Buraale, ayaa sheegay inay Deraasaduhu muhiim u yihiin Maamul-wanaaagga,isla-markaasna ay hore u sameeyeen kuwo hore,tan-na ay qeyb-ka-ahaayeen.
Gabo-gabaddii,waxa munaasibaddaas soo xidhay Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda,Khaalid Jaamac Qodax,waxaana uu u mahad-celiyay cid kasta oo kaalin ku lahayd hir-galinta deraasaddan,waxaana uu xusay inay deraasaddu xoogga saareysay Adeeg-bixinta iyo maamul-daadejinta Wasaaradaha iyo Hay’daha kale ee Dawladda iyo inay Dadweynahuhu helaan shaqooyinkii ay u baahnaayeen,xiliga ku-haboon.
Ugu danbeyntii waxa uu guddoomiyuhu sheegay inay deraasaddu muujisay meelaha uu aadka u sareeyo adeeg-bixinta Dalwaddu,taas ka markhaati ka caysa wax-qabadka Xukuumadda.