Hay’adda Shaqaalaha Dawladda (Civil Service Commisson) shaacisay Jadwalka Imtixaanka iyo Hubinta MACALIMIINTII Ku Meel Gaadhka ah

06 September 2023 Hay’adda Shaqaalaha Dawladda (Civil Service Commisson) shaacisay Jadwalka Imtixaanka iyo Hubinta MACALIMIINTII Ku Meel Gaadhka ahaa ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee ka hawlgalayay Dugsiyadda Hoose Dhexe iyo Sare ee goboladda dalka.

Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Khalid Jama Qodax oo ay weheliyaan Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka, HSHD iyo ayaa shir jaraaid ku qabtay xafiiska wasiirka waxbarashada isla markaana shaaciyay imtixaanka iyo Hubinta Macalimiinta ku meel-gaadhka ah ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
kuwaas oo larabo in ay ku tartamaan oo uso gudbaan 600 oo macalmin shaqaale dawladeed ah.

Shirkan oo ay wada yeesheen wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda, guddoomiye ku xigeenka Hay’adda shaqaalaha ayaa lagaga hadalay nidaamka hubinta iyo Imtixaan qaadista macalimiinta ku meelgaadhka ah ee ka hawl gala Dugsiyadda Sare iyo Hoose /Dhexe ee dawliga ah. Ugu horayn waxa ka hadlay Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda waxaa uu faahfaahiyay shuruudaha iyo nidaamka loo qaadanaayo barayaasha ka hawl geli doona dugsiyada dawladda kuwaas oo ku xusan qorashaha misaaniyadda qaranka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL ayaa sheegay in Macalimiintaasi ay ahaayeen ku wii ku meel-gaadhka ahaa, waxaanu sheegay in dagmooyinka loo qaybin doono iyadda oo la eegayo baahida macalimiinta ee Iskuuladda
Masuuliyiinta Wasaaradda iyo Hay'adda Shaqaaluhu waxay ay meel adag ka istaageen inaan xarumaha iyo goobaha waxbarashadu, aanay qaadan karin shaqaale ku meelgaadha, waxana waxaanay sheegeen la fulinaayo wareegtadii madaxwaynaha somaliland, uu soo saaray.
Ugu danbay Hay'adda shaqaaluhu waxay shaacin doonta jadwalka Hubinta iyo imtixaan qaadista ee gobol kasta maalmaha soo socda.
#cscsomaliland2023 #HSHD #SLCSC #cscsomaliland #somalilandcsc #cscsl