Hay’adda shaqaalaha dawladda fulisay gobolkii 5aad imtixaankii shaqaalaha ku meelgaadhka ahaa ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL

January 2023, Hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa si habsami leh uga fulisay gobolkii 5aad imtixaankii shaqaalaha ku meelgaadhka ahaa ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ee gobolka Maroodi-jeex. Imtixaankaasi oo ay ka qayb galeen 1388 Shaqaalihii ku meel gaadhka ahaa oo ka qabsoomay hoolka Hay'adda shaqaalaha iyo Mac’hadka shaqaalaha dawladda. Waxa imtixaanka si rasmi ah ugu fadhiistay 1053 shaqaale. Halka ay qiimaynta mareen sida xeerku dhigaayo 335 shaqaale hoosaad ah. Imtixaankaasi oo si daah-furan loogu tartamey, waxa natiijadiisa la shaacin doonaa sida ugu dakhsiyaha badan marka la saxo.