kulanka Guddida Farsamo ee Agaasimayaasha Guud ee Qaranka

19, February, 2023.
 
 
Waxa maanta ka qabsoomay hoolka shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda kulanka Guddida Farsamo ee Agaasimayaasha Guud ee Qaranka kaas oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Haya’dda Shaqaaalaha Dawladdu. 
 
Kulankan oo ya ka soo qayb galeen inta badan Agaasimayaasha Guud ee Qaranku ayaa si rasmi ah loogu daah-furay Kaadhadhka Aqoonsiga Shaqaalaha Dawladda, kuwaas oo dib u habayn iyo casriyayn lagu sameeyay isla markaana loo qaybinayo dhamaan shaqaalaha dawladda meel kasta oo ay joogaan. 
 
Intii kulanku socday waxa lagu soo bandhigay qaabka uu u eg yahay kaadhka shaqaalaha dawladdu, waxyaalaha uu koobsanayo, ammaanka xogta uu xambaarsan yahay iyo weliba habraaca loo dejiyay in lagu maamulo oo halkaas si faahfaahsan looga jeediyay.
 
Guddoomiyahay Hay’adda Shaqaalaha ayaa Agaasimayaasha Guud uga mahadnaqay kaalintii ay ka qaateen samaynta khaadhadhka iyo dhamaystirka hawshanba, waxaanuu ku bogaadiyay wada shaqaynta dhow ee ay sida joogtada ah ula leeyihiin Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.