Kulanka isuduwayaasha iyo maamulka

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Khalid Jama Qodax oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Khalid Mirre Nuux ayaa Tababar iyo kulan xog is waydaarsi u furay Isuduwayaasha Gobolada ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda iyo agaasime yaasha HSHD
 
tababarkan ayaa ku Saabsanaa sidii loo xoojin lahaa loona dardar gelin lahaa hawlaha shaqo ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda gaar ahaan gobolada maamul daadajina loogu samayn lahaa 
 
Sidoo kalena Tababarkan ayaa lagaga Wada hadlay sidii qorshesanadeedka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda su buuxda uga dhex muuqdaan qorshahaa isuduwayaasha goboladu 
 
Ugu danbayntii Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ayaa xusay miisaanka iyo muhiimada ay isuduwayaasha Goboladu u leeyihiin Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Guud ahaanba Shaqaalaha dawladda.