Sagootintii weftiga baanka aduunka

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa maanta xafiiskiisa kulan sagootin ah kula yeeshay Weftidii Baanka Adduunka ee maalmahan dalka ku sugnaa, kaas oo kulamo hawleed la lahaa madaxda Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Wasiirro iyo madax kale oo ka tirsan Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. 
 
Kulankan ayay weftigu warbixin ka siiyeen waxyaalihii u qabsoomay intii ay dalka joogeen iyo kulamadii kala duwanaa ee ay la lahaayeen madaxda Qaranka iyo gaar ahaan kuwa Hay’adda Shaqaalaha. Waxa halkaa la iskula eegay qodobbada iyo qorshayaasha ay labada dhinac isla garteen taas oo ay ugu waynayd sii xoojinta wada shaqaynta labada dhinac ee Arrimaha dib u habaynta shaqaalaha dawladda iyo barnaamijyo kale oo mustaqbalka dhow ay labada dhinac iska kaashan doonaan. 
 
Weftiga ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha uga mahadceliyay dadaalka uu geliyay hirgelinta barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda iyo sida uu ugu hawlan yahay kor u qaadista tayada shaqaalaha dawladda. 
 
Guddoomiyaha ayaa isaguna dhankiisa uga mahadceliyay Baanka Addunka taageerada iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin xukuumadda Somaliland gaar ahaan Hay’adda Shaqaalaha isaga oo sheegay in Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ay maanta taagan tahay meeshii ugu fiicnayd horana ay halkaa uga sii socon doonaan.