Shirka Saddex-biloodlaha ah Guddida Wasiirrada ee Dib u Habaynta Shaqaalaha Dawladda
Waxa maanta ka qabsoomay Hoolka Shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Shirkii Saddex-biloodlaha ahaa ee Guddida Wasiirrada ee Dib u Habaynta Shaqaalaha Dawladda. Shirkaa waxa guddoominaayey Wasiirka Sha
Shirka waxa si gaar ah loogaga dooday arrimo badan oo ay ka mid yihiin Qabyo-Qoraalka Xeerka iyo Siyaasadda Hawl-gabka oo qabyo-qoraalkiisu soo dhamaaday, siyaasadda mushahar bixinta iyo qaabaynta darajooyinka shaqaalaha dawladda iyo arrimo kele. Waxa sidoo kele shirka warbixin laga siiyay waxyaalihii ka qabsoomay barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda saddexdii bilood ee ugu dambeeyay.
Gebagebadii shirka waxa la isla qaatay in la dedejiyo dhamaystirka iyo ansixinta xeerka iyo siyaasadda hawl-gabka qaranka iyo in sidoo kele gacanta la isu qabsado sidii looga gudbi lahaa caqabaha jira loona dhisi lahaa nidaam adag oo lagu maamulo shaqaalaha dawladda.