shirkii agaasima waxyeedyada

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa maanta tababar u qabatay agaasime waaxeedyada cududda shaqaalaha dawladda ee hay’adaha iyo wasaaradaha Somaliland. Tababarkan ayaa ku saabsanayaa hagayaal iyo foomam lagu xoojinayo hirgelinta hab-raacyada iyo siyaasadaha kala duwan ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Ugu horrayn waxa halkaa hadallo koob-kooban ka jeediyay madaxda Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ay ugu horreeyaan Agaasimaha Guud, Guddoomiye ku Xigeenka iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, iyaga oo dhamaantood iftiimiyay muhiimadda uu tababarkani u leeyahay dardar gelinta hawlaha shaqada iyo shaqaalaha dawladda gaar ahaana xafiisyada ku hawlan maaraynta iyo maamulka shaqaalaha dawladda.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo si rasmi ah u furay tababarkan ayaa sheegay helitaanka hannaan iyo nidaam lagu maamulo shaqaalaha dawladdu in uu yahay muhiimadda koobaad ee waaxda cududda shaqaalaha si loo helo maamul toosan iyo hab-raacyo lagu shaqeeyo isla markaana la iskula xisaabtamo.

Intaas ka dib, tababarka ayaa si rasmi ah u bilaabmay iyada oo uu halkaas sharraxaad dheer ka bixiyay la taliyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee ku hawlanaa samaynta hagayaashan iyo foomamkan, isaga oo mid mid u sharraxay, sidoo kelena tusaalayaal ku bixiyay qaabka ay u shaqaynayaan