Tababar Ku saabsan Qaabka Loo qoro waraaqaha Af-soomaaliga ee shaqada la xidhiidha.

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland, Khaalid Jaamac Qodax ayaa Maanta u furay agaasime-waaxeedyadda, Madax-xafiiseedyadda iyo Xoghayayaasha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Tababar la xidhiidha qorista afsomaliga iyo qaabka loo qoro waraaqaha rasmiga ah ee ay isu-gudbiyaan laamaha dawladdu.

Tababarka ayaa waxa si wadajir ah u bixiniyay Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha iyo Muna Axmed Cumar oo ka mid ah bahda qorayaasha Somaliland.

Intii uu tababarku socday ayaa waxa halkaas Macallimiinta tababarka bixinaysay kula dardaarmeen Tababar-qaatayaasha inay shaqadooda maalinlaha ah ku dabaqaan aqoonta ay korodhsadeen, isla-markaasna ay usii gudbiyaan shaqaalaha ay maamulaan.