Tobabar Badbaaddada Shaqada iyo Caafimaadka

Hollka Shirarka ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL - Civil Service Commission waxa saaka ka qabsoomay Tababar kaas oo ahaa badbaadada shaqada iyo caafimaadka(Occupational Safety and Health), Tababarkaas oo ay qadanayeen Shaqaale Ka kala socda 8 wasaaradood iyo hayadood waxaana uu soconaya hal malin,sida oo kale Tababarkaas waxa boxinayay khabiir ku takhasuusay cilmigaas oo aha Hassan Adam ( BADMAAX ).
 
Ugu danbayn, Tababarkan Furitaankisa waxaa kasoo qayb galay Gudomyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Khalid Jama Qodax, Agaasime guud Hay'adda Shaqaalaha Khalid Mire Nuh, Agaasimaha Fulinta Machadka Shaqaalaha Dawladda Omer-sayid Qalonbi, Kuxigeenka Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Mustafe Ahmed, iyaga oo halka kula dardarmay inay si fiican uga faa'idaystaan kuna celiyaan cilmiga ay qadanayaan xaruumahoda shaqo kuna dabaqaan.