Tobabar Hab-qoraalka Tolmoon ee Farta Somaliga

22 November 2022 – Gudoomiye Xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa soo xidhay tababar ku saabsan "Hab-qoraalka Tolmoon ee Farta Somaliga" kaas oo ay bixinayeen khubaro muwaadiniin ah oo Hay’adda Shaqaalaha u qaabilsan Tababarrada. 
Tababarkan waxa ka soo qayb galay Qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo Madax Qaybeedyada Hay'adda Shaqaalaha Dawladda.
 
Tababarkani waxa uu muhiim u yahay kor u qaadista hab qoraalka warbixinnada ku saabsan hawl-maalmeedka iyo waxqabadka Hay’adda Shaqaalaha iyo sidoo kale wanaajinta xidhiidhka Hay’adda Shaqaaluhu la leedahay hay’adaha iyo wasaaradaha kale ee dalka iyo guud ahaan daneeyayaasha arrimaha shaqaalaha dawladda. 
 
Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay u xil saaran tahay kobcinta aqoonta iyo tayada shaqaalaha dawladda, waxaanay uga faa’idaysanaysaa fusad kasta sidii shaqaalaha dawladdu u noqon lahaayeen qaar xirfaddoodu sarrayso.