UJEEDDO: MUNAASIBADDA FASAXA CIIDAL ADXA.

Sum: CSC/XG/HSHD/11-011226/2023. 
                
Ku: Dhammaan Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda JSL
Ku: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL
Ku: Telefishanka Qaranka Somaliland JSL
Ku: Idaacadda Radio Hargeysa JSL
Og: Madaxweynaha JSL
 
 
UJEEDDO: MUNAASIBADDA FASAXA CIIDAL ADXA.
 
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, isaga oo tix-raacaya Xeerka Shaqaalaha Dawladda (Xeer Lr. 97/2022), Qodobkiisa 64aad, iyo jadwalka maalmaha fasaxyadda qaranka, waxa uu ku wargelinayaa dhammaan Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda JSL. In shaqaalaha dawladdu ay fasax ka yihiin shaqada, maalmaha Arbacada iyo Khamiista ee bishu tahay 28/06/2023 ilaa 29/06/2023 munaasibadda Ciidal Adxada awgeed.
 
Haddaba, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, isaga oo ku hadlaya afka dhammaan shaqaalaha dawladda, waxa uu Hambalyo u dirayaa dhammaan Shaqaalaha Dawladda, xaasaskooda iyo carruurtooda munaasibadda Ciidal Adxada awgeed, waxaana uu u rajaynayaa in aynu ku gaadhno sannadkan sannadkiisa, badhaadhe iyo nabad-gelyo waarta, Insha Allahu.
 
F.G. Waxaana Shaqada dib loogu soo noqonayaa maalinta Sabtida ee bishu tahay 01/07/2023. 
 
Allah Mahad Leh
 
Khaalid Jaamac Qodax
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL.