Kulankii billaha ahaa ee gudiga farsamo ee Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee barnaamijka dib-u-habaynta shaqaalaha dawladda ayaa maanta ka qabsoomay Hotel Maansoor ee Magaa

Kulankii billaha ahaa ee gudiga farsamo ee Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee barnaamijka dib-u-habaynta shaqaalaha dawladda ayaa maanta ka qabsoomay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Kulankan oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa lagaga hadlay halka ay marayaan hawlaha dib u habaynta shaqaalaha dawladdu, waxyaalaha qabsoomay iyo kuwa hadda socda intaba. Qodobbada ugu muhiimsan ee kulankaas lagu falanqeeyay ayaa waxa ka mid ah:

- Qaab-dhismeedyada Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda 
- Siyaasadaha maamulka iyo maaraynta cududda shaqaalaha iyo hab-raacyada ka farcama
- Shaqaalaha xirfdaha gaarka ah ee lagu xoojiyay wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda 
- Warbixin guud oo la siinayay agaasimayaasha cusub ee wasaaradaha taas oo ku saabsan doorka wada shaqayneed ee Hay’adda Shaqaalaha iyo Wasaaradaha 
- Iyo qodobbo kele 

Ugu horrayn, waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo si rasmi ah shirka u furay, isaga oo soo dhaweeyay Agaasimayaasha Guud, waxaanuu si qotodheer u faah-faahiyay shaqooyinka baaxadda leh ee socda gaar ahaan dib u habaynta shaqaalaha dawladda iyo is-beddelada dhinaca adeeg-bixinta Dawladda ee ay Hay’adda shaqaaluhu ku hawlan tahay iyada oo la kaashanaysa wasaaradaha iyo ha’adaha dawladda ee kala duwan. Waxa kele oo uu ka hadlay kaalinta ay Agaasimayaasha Guud ku leeyihiin hir-gelinta Siyaasadaha iyo hab-raacyada maamulka shaqaalaha dawladda. 

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in qodobbada halkan la iskula qaato ay la wadaagayaan Shirarka Gollaha Wasiiradda ee uu Madaxweynuhu Shir-gudoomiyo kaas oo uu Wasiirka Shaqo gelintu ugu xil saaran yahay guddida heer wasiir ee barnaamijkan dib u habaynta shaqaalaha dawladda. 

Xubnaha Agaasimayaasha guud ee shirka kasoo qeyb-galay ayaa dood dheer ka yeeshay qodobbada shirka lagaga hadlayay iyaga oo soo jeediyay doodo iyo falanqayno qoto dheer oo ku saabsan hir-gelinta iyo ku-dhaqanka siyaasadaha iyo habraacyadda ay samaysay Hay’ada shaqaalaha dawladdu.

Shirka ayaa ku soo gebageboobay iyada oo la isla qaatay qodobbo muhiim u ah dardar-gelinta hawlaha dib u habaynta shaqaalaha dawladda, adeeg bixinta wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda iyo guud ahaan socodsiinta hawlaha qaranka. 

Shirka guddida farsamo ee Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ayaa ah mid bille ah, kaas oo lagaga wada hadlo arrimaha farsamo ee barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda, waxaana go’aannada ka soo baxa lala wadaagaa Guddida Wasiirrada ee hagaya barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda.