Waxa maanta ka furmay xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda tababar ku saabsan Hagaha Hannaanka Samaynta Siyaasadaha iyo Qorshaynta, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Waxa maanta ka furmay xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda tababar ku saabsan Hagaha Hannaanka Samaynta Siyaasadaha iyo Qorshaynta, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah. 

Tababarka waxa maanta si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda, waxaana ka soo qayb galay Agaasimayaasha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda. Guddoomiyuhu isaga oo halkaas ka hadlaya waxa uu sheegay muhiimadda ay leeyihiin siyaasadaha kala duwan ee qaranku, gaar ahaan in curinta siyaasadahaasi ka soo bilaabmaan xagga hoose oo ay waaxyaha qaabilsani marka hore ka soo shaqeeyaan inta aanay u soo gudbin golayaasha qaranka. 

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in tababarkani ka caawin doono hannaanka samaynta siyaasadaha iyo heerarka kala duwan ee ay maraan, iyada oo la raacayo hagayaasha ay u samaysay Hay’adda shaqaaluhu, waxaanuu ka soo qaybgalayaasha ku boorriyay in ay ka faa’idaystaan khubarada tababarkaas bixinaysa.