Waxa Maanta qabsoomay shirkii guddida sare ee Hay’adda shaqaalaha dawladda Shirkaasi oo isugu jiray soo dhawaynta Komishaneerka cusub ee dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u soo magacaabay

20 September 2022. Waxa Maanta qabsoomay shirkii guddida sare ee Hay’adda shaqaalaha dawladda Shirkaasi oo isugu jiray soo dhawaynta Komishaneerka cusub ee dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u soo magacaabay Mudane Mustafe Maxamed Cawil. Shirkani oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL Mudane Khalid Jama Qodax ahna Guddoomiyaha Komishanka HSHD, waxa warbixin dheer laga siiyey xubinta cusub, iyada oo looga waramey waxqabadka iyo hiigsiga ay rabaan iney ka midho dhalliyaan sannadkan iyo sannooyinka dambe.Waxaana Shirka kasoo qayb galay Xubnaha Komishanka HSHD iyo Agaasimaha Guud ee HSHD ahna Xoghayaha Komishanka HSHD.