Wefti balaadhan oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Mudane Khaalid Jaamac Qodax iyo agaasimaha guud ee Hay’adda shaqaalaha dawladda Mudane Khaalid Mire oo ay wehelinayeen aga

Wefti balaadhan oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Mudane Khaalid Jaamac Qodax iyo agaasimaha guud ee Hay’adda shaqaalaha dawladda Mudane Khaalid Mire oo ay wehelinayeen agaasime waaxeedyo kale ayaa shirar iyo kulanno balaadhan la qaatey madaxda sare ee gobolka Saaxil. Madaxda ay kulamada la qaateen waxa ugu horreeyey Maareeyaha guud ee Haamaha Shidaalka Somaliland Mudane Axmed Ibraahin. Badhasaabka gobolka Saaxil Mudane Axmed Maxamed. Maayarka Magaalada Berbera Mudane Cabdishakuur Ciddin iyo Maareeyaha guud ee dekaddaha Somaliland Mudane Siciid Xasan. Waxa shirarkaasi dhammaan laga wada Hadley sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa laamahan. Waxaaney madaxda Hay’adda shaqaaluhu la wadaageen nuqul ka mid ah xeerka Shaqaalaha dawladda, oo ay ka codsadeen in dhaqan-galkiisa ay kala shaqeeyaan. Waxa kulamadaaasi ku soo dhammaadeen guul. Waxa kulannadaasi nagala qeyb galaayey kuwa ka mid ah oo aan halkan ugu mahadcelineynaa Xildhibaan Cali Qaran, Xildhibaan Xirsi Cabdillaahi iyo Xildhibaan Cabdillaahi Maxamed oo nala dardar-gelinaayey hawlahaasi shaqo ee aan u tagney gobolka SAAXIIL