31 March 2022 Waxa maanta lagu qabtay hoolka shirarka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda xafladda daah-furka tabarrada Mac-hadka shaqaalaha dawlada waxaana kaso qayb galay Wasaaradaha iyo Hay`adaha dawlada.

31 March 2022 Waxa maanta lagu qabtay hoolka shirarka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda xafladda daah-furka tabarrada Mac-hadka shaqaalaha dawladda kaas oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka kala socoday wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda.
Agaasime ku xigeenka Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in tababarradani qayb ka yihiin mashruuc la soo bilaabay badhtamihii sannadkii 2020 kaas oo kor luugu qaadayay tayada mac-hadka shaqaalaha dawladda, iyada oo maanta la soo gebogabeeyay qaybtii hore oo ahayd tababarka tababarayaasha mac-hadka oo wax weyn ka tari doonta duruusta uu bixiyo mac-hadku.
Gary Reid oo ka socday Baanka Adduunka oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ula dhacay intii uu dalka joogay tayada iyo aqoonta Mac-hadka shaqaalaha dawladda isla makaana uu qayb ka ahaa in barnaamijkani hirgalo. Waxa uu sheegay in guud ahaan tayada mac-hadku ay tahay wax lagu faano isla markaana uu rajaynayo in tababarradani ay kor u sii qaadi doonaan sumcadda mac-hadka iyo aqoonta shaqaalaha dawladdaba.
Agaasimaha mac-hadka ayaa sheegay in dadaal badan ay u galeen sidii tababarradani ay u qabsoomi lahaayeen isaga soo ka war bixiyay hannaankii loo maray xulashada tababarayaasha oo shuruudaha marka horaba aad loo adkeeyay isla markaana tababarradu sii socon doonaan xataa inta lagu guda jiro bisha Ramadaan. Sidoo kele waxa uu sheegay in tababarradan oo qaybo ama takhasusaad kala duwan ahi qayb ka yihiin dib u habayn lagu sameeyay mac-hadka shaqaalaha dawladda.
Ugu dambayn Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo halkaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta mashruucan.
“Waxa aan xasuustaa markii la samaynayay qiimaynta baahiyaha tababarrada ee shaqaalaha dawladda, waxaanan ku faraxsanahay in aan maanta joogo iyada oo qabsoontay” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Waxa uu guddoomiyuhu kula dardaarmay in tababarrada iyo aqoontani ay sidoo kele ka muuqdaan shaqooyinka la qabanayo iyo adeegyada la siinayo dadweynaha reer Somaliland. Waxa uu sheegay in hannaankii lagu soo xulay ka mid noqoshada dadka tababarradan ka qayb gelayaa uu ahaa mid caddaalad ah oo sidii la rabay u dhacay, isla markaana uu Meesha ka saaray in aanay tababarka ka qaybgelin cid aan wixii lagu tababaray cid kele u gudbin karayni ay ka mid noqoto.
“Waxa aad noqon doontaan tababarayaasha rasmiga ah ee shaqaalaha dawladda, tababarraduna maaha qaar la iska qorqoray ee waxa ay ku salaysan yihiin baahida dhabta ah ee ay tebayaan shaqaalaha dawladdu” ayuu yidhi guddoomiyuhu.
#slcsc #SLCSC #DG_CSC_Somaliland #Hayada_Shaqaalaha #CSC_Somaliland