Daahfurka Shirka Diyaarinta Qorshaha Sanadka 2024ka iyo dib u eegista Qorshihii Sanadkii hore ee 2023ka

25 December 2023 Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL - Civil Service Commission Mudane Khalid Jama Qodax oo ay weheliyaan Gudoomiye Xigeenka iyo Agaasimaha Guud ayaa Saaka Daahfurtay Shirka Diyaarinta Qorshaha Sanadka 2024 Ka ay ku shaqayn doonto Hay’addu iyo sidoo kale Dib u eegista Qorshihii Sanadkii Hore ee 2023 Qorshayaashii wixii Qabsoomay iyo Wixii aan Qabsoomin.
Waxaa dhamaan kawada qayb qaadanaya Qorshaha Sanadka Agaasimeyaasha,Madaxda Waaxaha iyo Xafiisyada Hay'adda Shaqaalaha oo maanta iyo Bari insha allah Ku hawlanaan doona sidii Qorshuhu u noqon lahaa mid Quruxbadan oo Hirgala.
Wuxu shirkaasi ka bilaabmay Maansoor Hotel Berbera
#cscsomaliland2023