Gudoomiyaha Hay`adda Shaqaalaha Dawladda ayaa hortagay Golaha Guurtida JSL.

Gudoomiyaha Hay`adda Shaqaalaha Dawladda ayaa maanta hortagay Golaha Guurtida JSL, halkaas oo uu gudoomiyuhu golaha u jeediyay khudbad nuxurkeedu ahaa qaabdhismeedka Hay`adda iyo guud ahaanba hawlaha qaranka ay u qaabilsantahay, halka ay hay`addu hiigsanayso iyo qorshayaasha hay`adda ee shanta sano ee soo socda.