GUDOOMIYAHA HSHD AYAA XILALKII U KALA WAREEJIYAY KOMISHANKII HORE IYO KOMISHANKA CUSUB EE HAY'ADA.

GUDOOMIYAHA HSHD AYAA XILALKII U KALA WAREEJIYAY KOMISHANKII HORE IYO KOMISHANKA CUSUB EE HAY'ADA.
HARGAYSA:(CSC)-Munaasibadda xil-wareejinta ayaa ka qabsoomay Xarunta Guud ee Hay’adda shaqaalaha Dawladda,waxaana kasoo qeyb-galay komishankii hore ee Hay’adda shaqaalaha,Komishanka cusub,agaasimaha guud ee Hay’adda Maamul-wanaaga,Agaasimaha Guud ee Hay’adda shaqaalaha,Ku-Xigeenka Badhasaabka Gobolka M.Jeex,shaqaale-weynaha Hay’ada shaqaalaha iyo marti-sharaf kale.
Ugu horayn,waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Hay’adda shaqaalaha,Maxamed Geedi Caynaanshe,waxaana uu sharaaxad ka bixiyay qaab-dhismeedka Hay’adda shaqaalaha iyo siday u shaqayso.
Dhinaca kalena,waxa uu si weyn u ammaanay Komishankii hore ee Hay’adda shaqaalaha,gaar ahaana Gudoomiye Ku-Xigeenkii hore ee Hay’adda shaqaalaha,Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali,waxaana uu ku sifeeyay shaqsi ILAAHAY ku mannaystay karti iyo guurtinimo shaqo.
Gudoomiye Ku-Xigeenkii hore ee Hay’adda shaqaalaha Cabdikariim Maxamed Xaaji,ayaa Madaxweynaha Somaliland uga mahad-celiyay mudadii Saddexdii sanno ahayd ee uu ammaanada Qaranka ku aaminay.
Sidoo kale waxa uu Gudoomiye Ku-xigeenkii hore ka mahad-sheegtay Qaabkii ay u wada shaqeeyeen Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha iyo guud ahaanba shaqaale-weynaha Hay’adda.
Gudoomiye Ku-Xigeenka Cusub ee Hay’ada shaqaalaha,Faysal Sahal Jaamac,ayaa ka mahad-celiyay munaasibadda soo dhaweynta ah loo sameeyay,waxaana uu ILAAHAY ka baryay inuu ku asturo masuuliyadda cusub ee uu Madaxweynaha JSL u magacaabay.
Gabo-gabaddii Gudoomiyaha HSHD,Farxaan Aaddan Haybe,ayaa Komishanka cusub shaqadda kusoo dhaweeyay,waxaana uu si qoto-dheer u faah-faahiyay shaqooyinka ay qaranka u hayso ,Hay’adda shaqaaluhu iyo qorshayaasha cusub ee sannadkan Hay’addu leedahay.
Gudoomiye Farxaan,waxa uu si weyn ugu mahad-naqay Komishankii hore ee Hay’adda,gaar ahaana Gudoomiye Ku-xigeenka hore oo ku sifeeyay Masuul karti,dulqaad iyo hufnaan shaqo lahaa,waxaana uu sheegay inay Sunnaha Qaranka tahay inay masuuliyaddu Gacan-isku-dhiib noqoto oo marba cid lagu tijaabiyo.