Hubinta Shaqaalaha Ku Meel Gaadhka ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Maroodi Jeex. Gaar ahaan Shaqaalaha Ka Hawl-gala Cisbitaalada Degmada Hargeysa

16 January 2023 Waxaa Maanta ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda (Civil Service Commisson) si rasmiya u bilowday Hubinta Shaqaalaha Ku Meel Gaadhka ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Maroodi Jeex. Gaar ahaan Shaqaalaha Ka Hawl-gala Cisbitaalada Degmada Hargeysa ee kala ah
- Cisbitaalka Guud ee Hargeysa
- Cisbitaalka Daryeel
- Cisbitaalka MASS
- Cisbitaalka TBa

Guddida Dhaarsan ee Hubinta iyo Imtixaan Qaadista oo ka kooban qaar kamida agaasime waaxeedyada HSHD waxaana korjoogtaynayay Gudoomiye Xigeenka HSHD Ameina Hussein iyo Komishaneer Komishaneer Mustafe Mohamed Awil
Haddaba Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyadoo fulinaysa xeerka Shaqaalaha dawladda xeer lr.97/2022 iyo Mabaadiida ay ku aas aasantahay ee (Isku duubni, Daacadnimo, Hadaf, Dhexdhexaadnimo, Xirfad, Hufnaan, Waddaniyad, Sinaan iyo Cadaalad)

Hubintani oo u socota si daah furan iyadoo la hubinayo qofwalba inuu buuxiyahay shuruudaha hubinta
Shuruudaha looga baahanyahay qofka hubinta maraya waa:-
    * Kaadhka dhalashada (Original)
    * Shahaadada (Original)
    * In uu liiska ku Jiro ama warqadda hawl-gelinta sito