Kawada Shaqaynta Ilaalinta Arrimaha Deegaanka iyo Bulshada ee Barnaamijka Dib u Habaynta Shaqaalaha Dawladda

20 November 2022 – Gudoomiye Xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa soo xidhay tababar ku saabsan "Ka Wada Shaqaynta ilaalinta Arrimaha Deegaanka iyo Bulshada ee Barnaamijka Dib u Habaynta Shaqaalaha Dawladda" kaas oo ay bixinayeen khubaro muwaadiniin ah oo Hay’adda Shaqaalaha u qaabilsan barnaamijkaas.
 
Tababarkan waxa ka soo qayb galay Ageesime Waaxeedyada Hay'adda Shaqaalaha Dawladda. Tababarkani intii uu socday ayaa lagu lafa guray tallaabooyinka lagaga hortegi karo xad-gudubyada ka dhaca goobaha shaqada iyo sidii xafiisyada dawladda looga dhigi lahaa qaar ka caaggan xad-gudubyadaa, hayb-sooca iyo caddaalad darrada, loona samayn lahaa siyaasado iyo hagayaal loo raaco sidii looga hor tegi lahaa amaba wax looga qaban lahaa haddiiba ay dhacdo. 
 
Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay masuul ka tahay bed-qabka shaqaalaha dawladda, iyada oo ka shaqaynaysa sidii goobaha shaqadu ay u noqon lahaayeen qaar ammaan ah, qofkuna u uku dareemi karo xasillooni jidheed iyo mid nafeed intaba.