Kulan lagu falanqaynayay halka uu marayo barnaamijka kobcinta tayada Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda ee ay ka caawiso Jaamacadda Ghana ee Maamulka iyo Maaraynta ayaa saaka ka qabsoomay xafiiska Hay’adda

Kulan lagu falanqaynayay halka uu marayo barnaamijka kobcinta tayada Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda ee ay ka caawiso Jaamacadda Ghana ee Maamulka iyo Maaraynta ayaa saaka ka qabsoomay xafiiska Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
Kulankan waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda, saraakiisha mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawladda, Agaasimaha Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda iyo saraakiil sare oo ka tirsan Mac-hadka halkaas oo lagu soo bandhigay heerka uu marayo barnaamijka kobcinta tayada Mac-hadka oo sannadkii ugu dambeeyayba soo socday iyo waxyaabaha u baahan in la dardar geliyo si looga midho dhaliyo barnaamijka oo muhiimad ugu fadhiya qaranka Somaliland.
Intii shirku socday, waxa dib u eegis lagu sameeyay qorshaha barnaamijka ee hore loo dejiyay iyada la barbardhigay hawlaha ilaa hadda qabsoomay si loo ogaado hawlaha hadhsan iyo kuwa u baahan in wax laga beddelo iyada oo sidoo kelena la eegayo muddada loo qorsheeyay in ay hawlahaasi ku dhammaadaan.
Waxyaalaha ugu waawayn ee sida gaarka ah looga dooday waxa ka mid ah samaynta koorasyada takhasuska ah iyo kuwa gaagaaban oo loogu talagalay madaxda iyo shaqaalaha dawladda kuwaas oo lagu ogaaday cilmi baadhis la sameeyay bilowgii barnaamijka.
Ugu dambayn waxa la isla gartay in si gaar ah loo dardar geliyo barnaamijkan isla markaana lagu dabagalo Jaamacadda Ghana sidii ay u dhammaystiri lahayd hawlaha inta hadhay isla markaana dib u eegis ugu samayn lahaayeen hawlaha qaarkood oo loo arkay in ay u baahan yihiin in dib loo eego.