Kulanka hordhaca soo dhaweeyey Maamulka Cusub ee Madaxweynaha JSL u soo magacaabay HSHD

19 January 2025 Gudoomiyaha Hay’adda Shaqalaha Dawladda Mudane Khalid Jama Qodax oo uu weheliyo Gudoomiye ku xigeenka Mudane Cabdillaahi Axmed Faarax iyo Agaasimaha Guud Khalid Mire Nuh ayaa Saaka
Si wada jir ah u soo dhaweeyey Maamulka Cusub ee Madaxweynaha JSL u soo magacaabay oo kala ah
1. Abdiaziz Hersi Warsame Gudoomihaya Hay'adda Shaqaalaha Dawladda
2. Xasan Xuseen Cabdi (Xaydar) Gudoomiye ku xigeenka Hay'adda Shaqaalaha Dawladda.
3. Siciid Muuse Xoosh (Coofle) Agaasimaha Guud ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda.
Shirkani oo ujeedadiisu ahayd kulan hordhac ah oo isbarasho iyo soo dhawayn isugu jiray.
Waxaa dhamaan kawada qayb qaadanayay Agaasimeyaasha Waaxaha iyo Xafiisyada Hay'adda Shaqaalaha iyaga oo midmid u Soo jeediyey Shaqaqa ay qaabilsanyihiin ee xafiisyadoodu qabtaan oo gaargaar ah iyada oo lagu balamay in kulamo gaar-gaar ahna maamulka cusubi la yeelandoono wixii ka danbeeya xafladda xilwareejinta oo ka qabsoomi doonta Hoolka hay'adda shaqaalaha dawladda maalinta salaasada 21 January 2025.
Markii kulanku soo dhamaaday ayaa maamulka cusub lagu soo wareejiyey xafiisyadda iyo waaxaha Hay'adda Shaqaalaha isla markaana lagu soo gabo-gabeeyey isbarashadii iyo soo dhawayntii hordhaca ahayd.

Maxamuud Maxamed Cawaale
Agaasimaha Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha
Saxaafadda iyo Isgaadhsiinta HSHD
Ku xidhnow baraha bulshadda ee HSHD:
https://www.facebook.com/CSCSomaliland
https://www.twitter.com/@somaliland_csc
https://www.flicker.com/cscsomaliland
https://www.linkedin.com/company/civil-service-commission-cscsl/
https://www.youtube.com/@cscsomaliland