Qabyo-qoraalka Siyaasadda iyo xeerka hawl-gabka shaqaalaha dawladda

Wasiirka Shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa saaka furay shir lagaga hadlayay qabyo-qoraalka siyaasadda iyo xeerka hawl-gabka shaqaalaha dawladda oo samayntiisa ay hagaysay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu. Shirkan waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Wasiirka Wasaaradda Difaaca, Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaagga

Shirkan ayaa si gaar ah loogaga hadlay qodobbo ka mid ah xeerka iyo siyaasadda kuwaas oo u baahnaa lafagur ka hor inta aan la hor geynin gollaha Wasiirrada si loo ansixiyo.

Shaqaalaha Dawladda Somaliland hore umay lahayn Siyaasad iyo Xeer lagu maamulo hawl-gabka, waxaana markii ugu horraysay ay Hay’adda Shaqaaluhu ku guulaysatay in ay samayso xeer iyo siyaasad lagu maamulayo, iyada oo hore u dhammaystirtay dhismaha loogu talagalay in uu hawlgabku ku shaqeeyo. Ansixinta xeerkan iyo siyaasaddani waxa ay Somaliland ku darayaan dalalka Afrika iyo caalamka ee ku guulaystay hirgelinta nidaamka hawlgabka, gaar ahaan shaqaalaha dawladda.