Shirka Gudidda Farsamo ee Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa saaka furay isla markaana guddoomiyay shirka Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda, kaas oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. Kulankaas ayaa waxa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. 
 
Guddoomiyaha ayaa furitaankii shirka uga mahad celiyay Agaasimayaasha Guud wakhtiga ay u soo hureen shirka, isaga oo isla markaana ku soo dhaweeyay Agaasimayaasha cusub ee dhawaan la magacaabay. 
 
Shirka ayaa waxa si gaar ah loogaga hadlay Nidaamka Casriga ah ee Maamulka Shaqaalaha Dawladda ee loo yaqaano (HRMIS) oo Hay’adda Shaqaaluhu dhawaanba ka shaqaynaysay, kaas oo hadda dhamaystirmay isla markaana dhawaan si rasmi ah loo hirgelin doono. Guddoomiyaha ayaa ka hadlay muhiimadda uu nidaamkani u leeyahay maamulka shaqaalaha dawladda, iyada oo doorka ugu weyn ee hirgelintiisa ay leeyihiin Agaasimayaasha Guud.
 
“Agaasimayaasha Guud waa lafdhabarta nidaamkan, waxaanay qayb wayn ka ahaayeen samaynta nidaamka iyo dhamaystirkiisaba” ayuu yidhi Guddoomiyuhu. “Waxa aan ku faraxsanahay in nidaamkii maanta inoo dhamaystiran yahay, dhawaanna si rasmi ah loogu guuri doono, taasna ay doorka ugu weyn ugu na muhiimsan ku leeyihiin Agaasimayaasha Guud” ayuu ku sii daray hadalkiisa. 
 
Intii shirku socday ayaa waxa lagu soo bandhigay muuqaalka guud ee Nidaamkan Casriga ah, qaybaha uu ka kooban yahay, sida uu u shaqaynayo iyo nidaamyada kale ee dalka ee uu ku xidhmayo, sida nidaamka kaadhka dhalashada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Nidaamka Maamulka Dhaqaalaha ee Wasaaradda Maaliyadda iyo qaar kale. 
 
Agaasimayaasha Guud ayaa iyaguna halkaa ku soo bandhigay wixii ay su’aalo iyo soo jeedin qabeen ee ku saabsan nidaamka HRMIS, iyaga oo halkaana isku waydaarsaday aragtiyo guud oo ku saabsan arrimaha maamulka shaqaalaha dawladda. 
 
Nidaamka Casriga ah ee Maamulka Shaqaalaha Dawladda (HRMIS) ayaa la dhawaan si rasmi ah looga hawlgelin doonaa dhamaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda, kaas oo fududayn doona maamulka shaqaalaha dawladda sida fasaxyada, maaraynta saacadaha shaqada, hawl-qabadka, dallacaaddaha, shaqaalaysiinta iyo qaar kale.