Shirka Qiimaynta qorshaha shanta sanno ee HSHD(midterm strategic review)

Waxa maanta ka qabsoomay hoolka shirarka ee HSHD Shirka Qiimaynta qorshaha shanta sanno ee HSHD(midterm strategic review) iyo Dib u eegista Hawlqabadyada Lix-biloodlaha ahaa ee Waaxaha Haay’adda Shaqaalaha Dawladda(Semi-Annual plan review). Shirka waxa guddoominaayey Guddoomiyaha HSHD Mudane Khalid Jama Qodax waxaana goob joog ka ahaa Dhammaan Maamulka HSHD oo uu ugu horeeyo Agaasimaha Guud Mudane Khaalid Mire Nuux iyo Agaasime Waaxeedyada.
Shirka waxa lagaga dooday arrimo badan oo ay ka mid yihiin hawlihii qabsoomay iyo kuwii aan qabsoomin, caqabadaha iyo talo soo Jeedinno
Shirka waxa soo qaban qaabisay Waaxda Qorshaynta