Shirka Saddex-biloodlaha ah Guddida Wasiirrada ee Dib u Habaynta Shaqaalaha Dawladda

Waxa maanta ka qabsoomay Hoolka Shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Shirkii Saddex-biloodlaha ahaa ee Guddida Wasiirrada ee Dib u Habaynta Shaqaalaha Dawladda. Shirkaa waxa guddoominaayey Wasiirka Shao Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, waxaana ka soo qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caddaaladda, Caafimaadka, Qorshaynta Qaranka, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaagga. Waxa iyaguna sidoo kele goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo saraakiil kele oo ka tirsan Hay’adda Shaqaalaha. 
 
Shirka waxa si gaar ah loogaga dooday arrimo badan oo ay ka mid yihiin Qabyo-Qoraalka Xeerka iyo Siyaasadda Hawl-gabka oo qabyo-qoraalkiisu soo dhamaaday, siyaasadda mushahar bixinta iyo qaabaynta darajooyinka shaqaalaha dawladda iyo arrimo kele. Waxa sidoo kele shirka warbixin laga siiyay waxyaalihii ka qabsoomay barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda saddexdii bilood ee ugu dambeeyay. 
 
Gebagebadii shirka waxa la isla qaatay in la dedejiyo dhamaystirka iyo ansixinta xeerka iyo siyaasadda hawl-gabka qaranka iyo in sidoo kele gacanta la isu qabsado sidii looga gudbi lahaa caqabaha jira loona dhisi lahaa nidaam adag oo lagu maamulo shaqaalaha dawladda.