Waxa maanta ku qabsoomay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha shirkii Guddiga Farsamo ee Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda. Shirkaas oo ay ka soo  qayb galeen qaar ka mid ah Agaasimayaa

07 November 2022 Waxa maanta ku qabsoomay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha shirkii Guddiga Farsamo ee Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda. Shirkaas oo ay ka soo  qayb galeen qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee dawladda waxa guddoominayay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Mudane Khaalid Jaamax Qodax.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda oo shirkaas  furay ayaa masuuliyiinta ka soo qayb galay warbixin guud ka siiyay barnaamij cusub oo Baanka Adduunku ka taageerayo Somaliland kaas oo  ay wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iska kaashanayaan fulintiisa. Waxa kele oo uu warbixin ka siiyay halka ay marayaan hawlaha dib u habaynta shaqaalaha dawladda gaar ahaan hannaanka maamulka xaashida mushahar bixinta, samaynta siyaasadda mushahar bixinta iyo qaabaynta darajooyinka shaqaalaha dawladda, dhisidda nidaamka casriga  ah ee maamulka shaqaalaha dawladda (HRMIS), dhamaystirka siyaasadda iyo  xeerka hawlgabka shaqaalaha dawladda, kaadhadhka aqoonsiga shaqaalaha dawladda, samaynta nidaamka waxbarashada fogaan-aragga (E-Learning)  ee Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda iyo arrimo kele. 

Intii shirku  socday waxa si gaar ah looga dooday samaynta  siyaasaddaa mushahar bixinta iyo qaabaynta darajooyinka Shaqaalaha Dawladda taas oo ay gacanta ku hayaan la  taliyayaal muwaadiniin iyo ajnabi isugu jira oo khibrad durugsan u leh hawshan. Waxa shirka loo soo bandhigay warbixino ku saabsan daraasado laga sameeyay dalka intii siyaasaddan la samaynayay kuwaas oo ku saabsan heerarka mushahar bixinta ee kala duwan gaar ahaan kuwa dawladda iyo kuwa shirkadaha & ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyada oo la soo bandhigay qaababka darajooyinka cusub ee shaqaalaha dawladda iyo heerarka mushaharooyinka ee darajo kasta. Waxa sidoo kele laga dooday saamaynta ay arrintani ku yeelanayso miisaaniyadda qaranka iyo sidii looga gaashaaman lahaa in ay dhaawac ku keento qorshaha maaliyadeed ee qaranka ee sannadaha soo socda. Qabyo-qoraalka siyaasaddan oo gebo-gebo ku dhow ayaa dhawaan loo gudbin doonaa Golaha Wasiirrada si ay waajibkooda uga gutaan. 

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa si rasmi ah shirka u soo xidhay isaga oo masuuliyiinta ka soo qaybgashayna uga mahadceliyay wakhtigooda iyo afkaartooda wax ku oolka ah intii shirku socday.