Xafladdii Xil-Wareejinta Maamulka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

Xil-Wareejinta Maamulka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

Tarikh: 21 Janaayo 2025

Maanta, waxaa lagu qabtay xaflad muhiim ah oo ay xilka kula kala wareegayeen maamulkii hore ee hay'adda shaqaalaha iyo maamulka cusub ee Mudane Cabdiraxaan Cabdillaahi Cirro madaxweynaha JSL usoo magacaabay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL. Xafladdan waxaa ka soo qayb galay madax-dhaqameedyo, siyaasiyiin ka tirsan dawladda, xubnaha golaha wasiirada, iyo shaqaalaha hay’adda.

Guddoomiyihii hore Khalid Jama Qodax ayaa xilka ku wareejiyey Guddoomiyaha cusub Cabdicasiis Xirsi Warsame. Sidoo kale, Agaasimihii hore Khalid Mire Nuh ayaa xilka ku wareejiyey Agaasimaha Guud cusub Siciid Muuse Xoosh (Rooble).

“Waxaan ku mahadcelinayaa Guddoomiyihii hore iyo Agaasimihii hore dedaalkooda iyo waxtarkooda uga jirey horumarinta Hay’adda,” ayuu yiri Guddoomiyaha cusub Cabdicasiis Xirsi Warsame.

Daawo Sawirada iyo Muuqaalka:
Xafladda Xil-Wareejinta
Sawirro resmi ah

#CSCSomaliland #XilWareejin #Horumar